Roobab mahiigaan ah oo toddobaadyo ka da’ayay gobolka Bariga Afrika ayaa dhaliyay barakac baahsan iyadoo boqolaal kun ay ku barakaceen Burundi, Kenya, Rwanda, Somalia, Ethiopia iyo Tanzania.
Ilaa hadda 637,000 oo qof ayaa ay saameyen sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, laakiin tirooyinka ayaa sii kordhaya.
“Daadadka aan hore loo arag ee khasaaraha badan geystay ayaa daaha ka rogay xaqiiqooyinka qallafsan ee isbeddelka cimilada” ayay tiri Rana Jaber, Agaasimaha geeska Afrika ee IOM.




From the comments