Maxkamadda sare ee Australia ayaa meesha ka saartay dalab ay si weyn loo hadal hayay oo uu nin iiraani ah oo magan-galyo doon ihi ku codsanayay in laga sii daayo xabsi ay maamusho hay’adda socdaalku, asagoo sheegay inuu ka baqayo in halkaa lagu hayo muddo aan xad lahayn.
Ninkan oo lagu magacaabo ASF17 ayaa diidanaa in laga masaafuriyo Australia tan iyo 2018, isagoo ku doodaya inuu halis geli doono sababo la xariira aragtidiisa ku saabsan galmada dadka isku jinsiga ah iyo waxa uu ka aaminsan yahay diinta Islaamka.
Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay in ASF17 kiiskiisu uu ka duwan yahay, iyada oo xustay in sii hayntiisa ay tahay natiijada go’aankiisa ee ah in aanu la shaqaynin qolada masaafurinta.




From the comments