Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u diyaar garoobaya booqasho taariikhi ah oo uu dabayaaqada bishan May ku tagayo dalka Mareykanka, kadib martiqaad uu ka helay Mareykanka, booqashadiisa ayaa ku qotonta sidii Mareykanka uu xoojin lahaa xiriirkiisa uu la leeyahay dalalka Afrika oo sii xuubsiibanaya.
Booqashadan ‘’Rasmiga ah” ayaa noqonaysa Martiqaadkii rasmiga ahaa ee ugu horeeyay ee dowladda u u fidiyo hogaamiye Afrikaan ah muddo ka badan 15 sano, Mareykanka ayaa arrintaan waxaa uu uga gol leeyahay sidii uu siyaasadiisa uga hortagi lahaa inuu saameyn ku sheesho Ruushka oo Afrika soo degay.
Martiqaadkan Rasmiga ah ayaa qayb ka ah siyaasadda Maraykanka u dib ugu qaabaynayo xidhiidhka uu la wadaago dalalka Afrika, ka dib markii uu Ruushku isku balaadhiyay galbeedka Afrika saameynta uu ku leeyahay oo cabsi laga qabo inuu ku yeesho dalalka Bariga iyo Waqooyiga oo Mareykanka saaxiib la ah.




From the comments