Ugu yaraan 14 qof oo ay ku jiraan dhowr carruur ah ayaa ku dhintay, qaar kalena waa la la’yahay ka dib markii daadad iyo biyo qabow oo ka dhashay roobab iyo dhul go’ foolkaano ay maasheeyeen galbeedka Indonesia sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka.
Hay’adda baadigoobka iyo samata-bixinta ee Basarnas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in masiibadu ay ku dhufatay degmooyinka Agam iyo Tanah Datar ee galbeedka gobolka Sumatra abaaro 10:30 habeenimo (15:30 GMT) ka dib roobab xooggan oo saacado socday, kuwaas oo dhaliyay daadad iyo qabow.
Cabdul Maalik, oo ah madaxa hay’adda samata-bixinta maxalliga ah, ayaa sheegay in la aqoonsaday sagaal mayd oo ay ku jiraan saddex jir iyo siddeed jir, halka afar qof oo kale weli lagu baarayaa degmada Aagam.




From the comments