Ilaa iyo sagaal xubnood oo ka tirsanaa Shabaab ayaa lagu dilay ku dhowaad 10-kalana waa lagu dhaawacay labo hawlgal oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Hawlgalka koowaad oo lagu dilay ilaa iyo afar Xubnood waxaa lagu bartilmaameedsaday gaari nooca dagaalka ah iyo gaari booyad ah oo Shabaab ay wateen , kaasi oo marayay hawdka deegaanka Cali Heelle oo ku yaalla xadka labadaan gobol.
Hawlgalka labaad ayaa lagu khaarajiyay shan ka tirsan Shabaab oo lagu beegsaday fariisin ay lahaayeen cadowga, kaas oo ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.




From the comments