Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay gobolka florida ee dalka maraykanka kadib markii ay isku dhaceen bas ay la socdeen dad beeralay ah iyo gaari kale, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Baska ayaa siday 53 qof oo shaqaale beeraleeya ah markii uu ku dhacay baabuurka degmada Marion ee waqooyiga Orlando subaxnimadii Talaadada, sida ay sheegeen ciidanka ilaalada waddooyinka Florida.
“Ilaa 40 rakaab ah ayaa loo qaaday isbitaalada, kuwaasoo qaba dhaawacyo fudfudud” ayuu yiri James Lucas, oo ah sarkaalka warfaafinta u qaabilsan Badbaadinta Dabka ee Degmada Marion.




From the comments