Labo sarkaal oo booliis ah ayaa lagu dilay dalka Malaysia, midna kalena waa la dhaawacay ka dib markii nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda mayalka adag ee Jemaah Islamiyah uu xoog ku galay saldhig boolis.
Weerarka ayaa subaxnimadii hore ee Jimcihii ka dhacay magaalada Ulu Tiram ee ku taal koonfurta gobolka Johor, iyadoo ciidamada booliska ay heegan ama saf ku jireen, sida uu wargeyska New Straits Times ka soo xigtay Taliyaha guud ee booliska dalka Malaysia Razarudiin Husain.
Razaurdin ayaa u sheegay warbaahinta Malaysia in booliisku ay weerareen guriga tuhmanaha oo aan ka fogayn saldhigga booliiska, ayna ka heleen qalab badan oo lala xariirinayo kooxda Jameecatu islaamiya.




From the comments