Goobjoog

Milateriga Israa’iil oo Kordhiyay Duqeynta Shacabka Falastiiniyiinta ah iyo Cabsida Ka Jirta Rafax

Milateriga Israa’iil ayaa duqeeyay guri ku yaalla bartamaha magaalada Rafah ee koonfurta Qaza, halkaas oo ay ku dileen laba qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa. Ma jiraan dhaawacyo kale oo la soo sheegay.

Milateriga Israa’iil oo Kordhiyay Duqeynta Shacabka Falastiiniyiinta ah iyo Cabsida Ka Jirta Rafax
People inspect the damage in the rubble of buildings damaged during Israeli bombardment in Rafah, on the southern Gaza Strip on February 12, 2024, amid ongoing battles between Israel and the militant group Hamas. – Israel announced on February 12 the rescue of two hostages in the southern Gaza city of Rafah, where the Hamas-run health ministry said “around 100” Palestinians including children were killed in heavy overnight air strikes. (Photo by SAID KHATIB / AFP)

Milateriga Israa’iil ayaa duqeeyay guri ku yaalla bartamaha magaalada Rafah ee koonfurta Qaza, halkaas oo ay ku dileen laba qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa. Ma jiraan dhaawacyo kale oo la soo sheegay.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale beegsaday deegaanada Janin iyo al-Farahin oo dhanka bari kaga beegan magaalada Abasan al-Kabira ee Khan Younis.
Bartilmaameedka ayaa dadka deegaanka ay ku sheegeen inuu ahaa dagaal yahan lagu magacaabo Islam Khamaysa oo ka tirsan guutada Jenin ee garabka melleteriga ee Jihaad Islaami ah oo falastiiniyiin ah, kaasi oo ay baadi goobayeen ciidamada Israel.
Guriga la weeraray ayaa ku yaalla bartamaha xeradan oo ay dadku ku badan yihiin.

Dhammaan dadkii gudaha ku jiray ayaa loo malaynayaa inay ahaayeen dagaalyahanno iska caabin ah oo Falastiiniyiin ah.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya baabuurta gurmadka deg deg ah oo ku soo yaacay goobta iyo dad la keenay isbitaalka.

Diyaaradaha aan duuliyaha Drones-ka ayaa si isa soo taraysa loo isticmaalay qayb ka mid ah hawlgallada milatari ee Israa’iil ee Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo tani ay tahay ugu yaraan duqayntii saddexaad ee cirka ah dhawrkii bilood ee la soo dhaafay.

Deegaanka Jenin ayaa ah halka tiradii ugu badnayd ee Falastiiniyiin ah lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments