Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho ku tagay qaar ka mid ah goobaha barakeysan ee Magaalada Madiina Al Munawara, wasaaradda Awqaafta ayaa sanadkaan siweyn uga shaqeysay sidii Xujeyda u heli lahaayeen adeegyada ay u baahan yihiin.
Goobaha ay Xujeydu booqdeen waxaa ka mid ah Masjidka Nabiga CSW, Masjidu Qubaa, Buurta Uxud iyo Qabuuraha Shuhadada ee Uxud, waxaana ufududeeyey Mas’uuliyiinta Wasaaradda Awqaafta JFS u qaabilsan Arrimaha Xajka.
Qeybtii ugu horreysay ee Xujeyda ayaa ku sugan magaalada Madiina iyadoo maalmaha soo socda ay gaari doonaan qeybaha kale ee wali ku sugan dalka kuwaas oo diyaar garow ugu jira sidii ay u bixi lahaayeen.




From the comments