U bood dhigaalka

Dhacdo Naxlin Leh: Wiil 4 Jir ah oo Muqdisho Isku Daldalay

Wiil 4-Jir ah ayaa la sheegay in uu isku dal dalay xero ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo ku taala Degmadda Deyniile ee gobolka Banaadir, arrintaan ayaa noqotay mid siweyn bulshadu ay u hadalheyso saacadihii lasoo dhaafay degmada.

Wiilkan yar oo lagu magacaabi jiray Maxamed Macallin Aadan ayaa qoor gashaday oo isku daldalay xarig loogu talo-galay in lagu xiro marada kaneecada lagaga gaashaanto ee loo yaqaanno sansayeeriga sida ay sheegeen eheladiisa iyo dad kaloo goob joogayaal ihi.

Aabaha dhalay oo lagu magacaabo macallin aadan ayaa sheegay in saaka dhammaan reerku ay nabad ku soo tooseen, balse asagoo goobtiisa shaqada jooga loo soo sheegay inuu war naxdin leh oo ku saabsan geerida wiilkiisa.

Wuxuu intaa ku daray in wiilku keligii qolka ku jiray, hooyada iyo carruurta kalena ay bannaanka jireen, ka dibna la arkay asagoo meyd ah oo xarigga mara kaneecada ka lulanaya.

Faadumo jaamac oo ayana ah Hooyada dhashay wiilka geeriyooday ayaa tibaaxday inay dibedda guriga ku maqnayd kolkii uu falku dhacayay, markii ay timidna carruurtii kale ka dhex waysay, ka dibna ay asagoo meyd ah qolka ku dhex aragtay.

Si kastaba ha ahaatee lama oga inuu ilmahan yari si ku talo-gal ah isku diley iyo inuu asagoo xarigga ku ciyaaraya ku ceegsamaysa, balse dhacdadan ayaa argagax ka abuurtay degmadda Deyniile iyo guud gobolka Banaadir.