U bood dhigaalka

Maqaal: Anshax-xumada Ka Socota TIK TOK iyo Dhaqan Doorsoonka Jiilka Soomaaliyeed Soo Wajahday

Waayadan dambe waxaa baraha ay bulshadu ku wada xariirto, gaar ahaan aaladda TikTok si xoog leh uga socda falal guracan oo dhaqan iyo diin bi’is ah, kuwaasoo aad dadka mareegahaa adeegsada qaar kamid ihi ay ku kacaan.

Dhallinyaro muuqaalada anshax-xumada ah iyo cayda dadka kale meherad iyo mucaash mooday ayaa u soo tafa-xaytay ficillo aad u xun xun oo carruur iyo cirrooleba ay la yaabeen.

Facshar iyo foolxumo aan waligood la arag ayaa jaadad kala duwan ee internet-ka dhex wareegaya, kuwaasoo wadaad iyo waranleba bulshadu wada dhibsanayso.

Damiirkii iyo sarriigtii dadka Soomaaliyeed lagu yaqaanay ayaa dhimasho qarka u saaran, qaawanaanta iyo ku qarraafaysiga dhaqan xumaduna waxay noqdeen xirfad maalinle ah.

Fadeexaynta iyo sumcad dilka shaqsiyaadka bulshadeeda saamaynta ku leh ayaa bartilmaameed u noqday qolyo xishaadkii iyo xurmadii meel iska dhigay oo aan waxba xeerinayn, dadweynuhuna cid ka dhiidhisa daaye in badan oo kamida ayaa xiisaynaya daawashada muuqaalada anshax-xumada.

Wadaad iyo waanadiisba la nac oo waxaa indhaha lagu wada taagayaa dumarka dhaqan dooriska noqday iyo ragga is nacay oo cayda qabiilada xirfadda ka dhigtay, taasoo keentay in hadal-haynya fagaare walba ay noqato heblaa la soo qarxiyay iyo hebel baa wax karbaashay.

Saaqidiinta falfal xumidana ku howlan ka sokow waxaa jira kuwo kale oo buun buunin baahin ugu kaalmayna, oo anshax darrada iyo anafada ay wadaan ku sii dhiiri-gelinaya.

Dhibaatada baaxadda weyn iyo halista ay falalkani nolosha dadweynaha iyo dhaqanka u geysteen markii laga tago , waxay xad-gudub iyo burburin ku yihiin mid kamida tiirarka waaweyn oo diinteena udub-dheex u ah,taasoo ah inaan qof sharafkiisa meel looga dhici karin.


Shareecada islaamku waxay ilaalisaa nafta,  maal, iyo milgaha”cisiga iyo cirdiga” dadka muslimiinta ah, ku xad-gubka 3-daa qodobna waxaa lagu mutaystaa caro Alle iyo cinqaab adag if iyo aakhiro mid ahaan lagula kulmo.

Waxyaaba ay falalkan guracani keeni karaan waxaa kamid ah dil, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in qof dhan muuqaallo uu hayo dartood loo khaarajiyo ayadoo laga qabayo inuu faafiyo ama uu dano  kale oo qalloocan u adeegsado.

Sidoo kale waxaa suurta-gal ah in waalidka gabadhiisa ama wiilkiisoo  qaawan baraha bulshada ku arkaahi uu xanaaq isla madax maro oo uu ilmaha gowraco ama ciddii wax ka duubtay kurka ka jaro oo talo faro ka haaddo, isku dir bulsho iyo hurin colaadeedna way horseedi karaan.

Haddaba si falal-xumadan loo joojiyo
waxaa dowlad iyo dadweynaha oo iskaashanayaahi ay u istaagaan, tillaabada ay booliisku qaadeen ee ay xabsiga ku dhegeen dhallinyarada dhaqan xumada caadaysatayna la sii xoojiyo.