Maamulka Israa’iil oo ka falcelinaya tillaabadii ay Norway, Ireland iyo Spain sida rasmiga ah ugu aqoonsadeen dowladda Falastiin ayaa degdeg ugu yeertay ergadeeda Ireland iyo Norway u fadhisay si ay la tashi degdeg ah ula yeeshaan.
“Maanta waxaan fariin adag u dirayaa Ireland iyo Norway,Israa’iil kama gudbi doonto arrintan aamusnaanta,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Israel Katz, Wuxuuna ku hanjabay in sidoo kale ay kala soo bixi doonnaan safiirkooda dalka Spain.
wasiirka maaliyadda ee Israa’iil Bezalel Smotrich ayaa asna sheegay in uu joojin doono u wareejinta lacagaha canshuurta maamulka Falastiiniyiinta oo ay Israa’iil ka aruursato Daanta Galbeed, taasoo sida waafaqsan sharciga caalamiga ah looga baahan yahay in ay ku wareejiso maamulka falastiiniyiinta ee Maxamuud cabaas hoggaamiyo.




From the comments