Qaramada Midoobay ayaa ku dhowaaqday iney hakisay qaybinta cuntada gargaarka ah ee magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee Qaza, iyada oo ay ugu wacan tahay, saadka oo gababaabsi ah iyo xaaladdaha amni darrada oo sare u kacay, xilli diyarada Israel ay sii wadaan weerarrada socda.
Stephane Dujarric oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii sheegay in guud ahaan xarumaha cunto qaybinta ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee WFP iyo UNRWA, inay yihiin goobo aan la gaadhi karin, iyada oo ay ugu wacan tahay hawlgallada milateri ee ka socda aaga Rafax.
Xaaladda ayaa ku soo aadaysa xilli dad ka badan hal milyan oo qof ay waajahaya xaalad macaluul oo aad u sarraysa, kuwaas oo u baahan gargaar bii’aadannimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay kadib hakinta lagu sameeyay dadaallada arrimaha gargarka loo baahnaa ee ka socday marinka Rafax.




From the comments