Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa amray in safaarad laga furo magaalada Ramallah ee dalka Falastiin, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Luis Gilberto Murillo.
“Madaxweyne Petro waxa uu bixiyay amarka ah in aan furno safaaradda Colombia ee Ramallah, oo ah wakiilka Colombia ee Ramallah, taasi waa tallaabada xigta ee aan qaadi doono,” ayuu yiri Murillo.
waxa uu intaas ku daray inuu aaminsan yahay in dalal badan ay dhawaan bilaabi doonaan inay taageeraan aqoonsiga dawlad falastiiniyiin ah ka hor Qaramada Midoobay.
Horraantii bishan madaxwynaha Petro, oo ayaa u yeertay safiirka Colombia ee Tel Aviv, asagoo sheegay in uu xiriirka diblumaasiyadeed u jarayo Israel dagaalka ay ku hayso Gaza awgii,waxaana Safaaradda si rasmi ah loo xiray 3-dii May.




From the comments