Ciidanka Ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay ka hortagay weerar kooxda Al Shabaab ay kusoo qaaday degmada Bardaale sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga, ciidanka ayaa ku guuleystay fashilinta weerarka.
Kooxda ayaa dooneysay in ay gacanta ku dhigta degmada balse ciidanka ammaanka oo haayay xogta kooxda waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan qaar ka mid ah dableydii soo weerartay degmada halka kuwo kalena la dilay.
Xaaladda degmada Bardaale ayaa hadda degan iyadoo ciidanka ammaanka ay ku jiraan heegan ku aadan sidii looga hortagi lahaa haddii kooxdaasi soo rogaal celiso.




From the comments