Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan hal milyan oo qofna waa laga daadgureeyay ka dib markii duufaanta Remal ay ku dhifatay xeebaha bariga Hindiya iyo Bangaladesh.
Duufaanta ayaa ku soo dhacday gobollada xeebta ee Bangladesh, gaar ahaan agagaarka dekedda Mongla, iyo jasiiradaha ku dhow ee Sagar oo ka tirsan gobolka West Bengal ee dalka Hindiya, iyadoo xawaaraha dabayshu uu ahaa mid aad u sarreeya oo gaaraya135kmph, sida ay sheegtay waaxda saadaasha hawada ee Hindiya (IMD).
Duufaanta Remal uu billaabatay maalintii axadda abbaare 3-dii galabnimo ayaa socatay muddo shan saacadood ah, sida uu sheegay xafiiska saadaasha hawada gobolka ee Kolkata.




From the comments