U bood dhigaalka

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga oo Tababar usoo Xiray Ciidanka Xoogga Dalka ah

Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gen Maadeey Shekh Nuur Ufuroow Oo Uu Wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa Tababar Usoo xiray Saraakiil Iyo Saraakiil Xigeeno Laga Soo Xulay Guutooyinka iyo qaybaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed kuwaas oo labarayay Isticmaalka Hubka Culus Kaa Oo Lagama Maar maan U ah Dagaalka Al-shabaab.

Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed ayaa taliska ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed oo uu horkacayo taliyaha ciidanka dhulka gen dayax cabdi cabdulle Ku amaanay dadaalada aqoon kororsiga ah ee lagu tayeeynayo saraakiisha iyo saraakiil xigeenada Ka Tirsan Qaybaha Iyo Guutooyinka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , isagoo xusay muhiimadda ay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed xiligaan u leedahay inuu helo saraakiil iyo saraakiil xigeeno maarayn kara hubka culus aqqon dheeraadana u leh.

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle oo munaasibadda xiritaanka ka hadlay ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababarka kula dar daarmay in laga sugayo ka mira dhalinta dadaalka iyo waqtiga la geliyay Ee ku aadan qaadashada koorsadan muhiimka ah , waxa uuna xusay taliyuhu in maanta kedib ay xambaareen waajib culus kaa oo laga sugayo maarayntiisa.

Munaasibadda ayaa sidoo kale waxaa goob joog ahaa taliye xigeenka ciidanka dhulka xoogga dalka gen ciro iyo saraakiil kale oo ka tirsan taliska ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed .

Munaasibadda kedib ayaa taliyaashu waxay wadajir u kormeereen qayb deegaameed cuusb oo loo hirgelinayo taliska ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed oo ah tiir dhexaadka ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed iyo bar hoggaanka howlgalka dalka looga sifaynayo Al-shabaab.