Kdib weerar koox Islaami ah ay ku qaaday dalka Nigeria ee dhaca Galbeed Afrika ayaa sababay in toban qof lagu dilo ugu yaraan 160 kalana lagu afduubtay tuulo ku taalla gobolka Niger ee bartamaha Nigeria, sida ay saraakiishu sheegeen, kooxdaan weerarka soo qaaday, waxaana socda baaritaanno baadi gooba.
Tiro badan oo hubaysan, oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Islaamiga ah ee Nigeria ee Boko Haram, ayaa habeenkii Jimcaha soo galay tuulada Kuchi, sida duqa magaaladaas uu u sheegay BBC, wararka qaar ayaa sheegaya in dadka la afduubay ay ku jiraan dumaru badanaa gabdho la beegsaday.
Dableyda ayaa la sheegay in ay Mooto Bajaaj ku galeen Kuchi oo ay xitaa waqti ku qaadanayeen, iyaga oo shaah ku sameysanayay dhacna u geysanayay guryaha qaar ka hor inta aysan ka bixin wax ka badan laba saacadood, dadka la qaafay ayaa waxaa ku jira caruur xilli la laayay dad ugaarsato ahaa oo deegaanka ah.




From the comments