Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo kaashanaysa Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Taliska Taraafikada iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan lagu xusayay Todobaadka Badbaadada Waddooyinka.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa in hoosta laga xariiqo muhimadda ay leedahay badqabka waddooyinka, isla markaana la isku raaco oo la soo saaro baaq wadajir ah oo ku wajahan bed-qabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Kulankaan ayaa waxaa goob joog u ahaa ku simaha Wasiirka ahna Wasiir Dowlaha Wasaaaradda Caafimaadka, Wasiir Dowlaha Wasaradda Gaadiidka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Taliyaha Nabadgalyada Wadooyinka ee Gobalka Banadir, Hay,ayada Istaatistikada Qaranka, Isbitaalada Dowladda, Kuwa gaarka looleeyahay, hay,ada caafimaadka Aduunka ee WHO iyo Hay,adaha ay sida gaarka u quseeyso arimahan.




From the comments