U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Ka Warbixiyay Sababta Lagu Beegsanayo Dadka Lagu Soo Eedeeyay Anshax Darrada

Xilli maalmihii la soo dhaafay ay booliska Soomaaliya wadeen howll-gal ballaaran oo ay kula dagaalamayeen falal anshax-xumada ah oo baraha bulshada lagu baahiyo, islamarkaana ay dhallinyaro badan xabsiga u taxaabeen ayaa qoraal ay soo saareen, waxay ku faahfaahiyeen ujeedada ka dambeysa howl-galkaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri, “Sababta aan xoogga u saareyno la dagaallanka Anshax-xumada, waa inaan aamisanahay in asluubta Bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada,waana qeyb kamid ah shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidaas darteed Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan, kalana shaqeeyaan Booliska sidii loo suuli lahaa falalka anshax-darrada ah.”

Warkaan, ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay booliska Soomaaliya xabsiga dhigeen dhalinyaro baraha bulshada ku faafi jirtay aflagaado, anshax-xumo iyo kicin dadweyne, waxaana ugu dambeeyey nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Asmar Daahir Faarax oo caawa lagu xiray saldhigga degmada Hodan, kadib markii uu muuqaal anshax-xumo ah ku faafiyey baraha bulshada.

Goobjoog.com