U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska oo Xabsiga Dhigay Dhallinyaro Ku Eedeyasan Falal Anshaxa Ka Baxsan

Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga degmada Hodan ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Asmar Daahir Faarax oo 23 jir ah, kuna eedeysan in uu ku kacay falal anshax-daro ah oo kasoo horjeeda diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale booliska Soomaaliya ayaa bulshada ka codsaday inay loo wadaagaan xogta halka ay ku suganyihiin dhalinta ku kaca falalka nuucaan oo kala ah si loo wada badbaadiyo mustaqbalka jiilka soo koraya.
Farriin qoraal ah oo ay bulshada u direen ayay ku yiraahdeen “Muwdaadin hadii aad la kulanto falal ammaanka iyo dhaqanka suuban liddi ku ah nagala soo xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed”.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan xabsiga loo taxaabay dhallinyaro badan oo lagu eedeeyay faafinta muuqaallo iyo dacaayado dhaqanka iyo diinta Islaamka lid ku ah, islamarkaana ay booliiska dalku wacad ku mareen in ciddii tillaabo nuucaas ah lagu helo ay gacan bir ah ku qaban doonaan.