U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qeybgalay Shirka madaxda Hormarinta Bangiga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika iyo isbadalka cimilada ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, kuwaas oo goobta ku soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada shaqeynta Bangigaga Horumarinta afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afika uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar iyo kobac dhaqaale, taas oo ku timid hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka.
Shirkan oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa madaxda Bangiga horumarinta Afrika ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federalka ah ee Soomaaliya .

Madaxweynaha ayaa gunaanadka shirkan ka dib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.