U bood dhigaalka

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Ka Yiri Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Hormarinta?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa dul istaagay dhibaatooyinka ka dhashay Isbaddalka Cimillada Adduunka ee ka jira dalkeenna, kuwaasi oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cimmilada sii kululaanaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee wax ka qabashada saamaynta taban ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka, taasi oo uu sheegay in ay u baahantahay xal wadajir ah oo heer caalami ah.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa faah-faahin ka bixiyey waxyaabaha looga hadlay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika kaas oo uu ka qeybgalay madaxweynaha JamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliyaMudaneXasanSheekhMaxamuud.

Xudayfa ayaa sheegay inuu madaxweynuhu shirka warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka iyo mid dhaqan dhaqaale ee Soomaaliya, islamarkaana uu kulan doceedyo muhiim ah la qaatay Hoggaamiyeyaashii shirka ka soo qeyb-galay.

Shirkan oo ah mid sanadlahaa ayaa diiradda lagu saaraa hormarka iyo kobaca dhaqaalaha Qaaradda, iyo caqabadaha guud ee afrika haysta sida abaaraha iyo isbadalka cimilada.