Dowladda Slovenia ayaa ansixisay go’aan ay ku aqoonsanayso dal madax-bannaan oo Falastiiniyiintu ay leeyihiin, sida uu sheegay ra’iisul wasaare Robert Golob, taasoo ka dhigaysa dalkii afaraad oo tillaabadaa qaada markii lagu daro Spain, Norway iyo Jamhuuriyadda Ireland.
“Maanta dowladdu waxay go’aansatay inay Falastiin u aqoonsato dal madax-bannaan ,” ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ra’iisul wasaare Robert ku qabtay magaalada Ljubljana Khamiistii.
Go’aanka dowladda ayaa weli u baahan in laga ansixiyo baarlamaanka Midowga Yurub, kaasoo lagu wado in maalinta Talaadada ah la horgeeyo si cod loo qaado.




From the comments