U bood dhigaalka

Kuuriyada Waqooyi Tijaabisay Dhowr Nuuc oo Gantaallada Riddada Gaaban ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday gantaallo badan oo riddada gaaban, sida uu sheegay militariga Kuuriyada Koonfureed, iyadoo ay sii wadato horumarinta hubkeeda milateri ee jebinta cunaqabateynta caalamiga ah.

10-ka gantaal ayaa laga soo tuuray aagga degmada Sunan ee dalkaas, subaxnimo Khamiista, sida lagu sheegay
bayaan uu soo saaray taliska militariga Kuuriyada Koonfureed.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in gantaalada ay ku socdaalayeen masaafo dhan 350 kilomitir ka hor inta aysan gudaha u galin badda.

Milatariga kuuriyada koonfureed ayaa tillaabadan ku tilmaamay daandaansi cad oo ay ku kacday Pyongyang, kaas oo si dhab ah halis u gelinaya nabadda iyo xasiloonida gacanka Kuuriya.

Arrintan ayaa imanaya saddex maalmood ka dib isku day Kuuriyada Waqooyi ay ku doonaysay in ay ku dirto dayax gacmeedka wax basaasa,kaas oo guuldarraystay ka markii gantaalkii sidday uu ku qarxay hawada sare.

Hogaamiyaha kooriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa xoogga saaraya samaynta hub casri ah iyo qalab milatari, waxayna reer galbeedku ku eedeeyeen inuu hub siinayay Ruushka oo faraha kula jira dagaalka Ukraine.

Xukuumadda Pyongyang ayaa laga mamnuucay in ay tijaabiso gantaalada balaastikada ah ka dib markii ay cunaqabataynta Qaramada Midoobay ku soo rogtay barnaamijkeeda Nukliyeerka.