U bood dhigaalka

Sedex Xubnood Ka Tirsan Al-shabaab oo Iska Dhiibay Deegaannada Koonfur Galbeed

Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howl-gala deegaanada dowlad gobolleedka Koonfur galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Raggan isi soo dhiibay ayaa lagu kala magacaabaa Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen oo labadu ka tirsan jiray kooxda Alshabaab.

Xubnahan oo ka howl-gali jirey Gobollada Baay, Bakool, Shabeellada Hoose iyo Hiiraan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay ayagu go’aansadeen inay dowladda isku soo dhiibaan, ayagoo xusay inay u adkaysan waayeen duruufaha adag ee ka jira duurka ay ku sugnaayeen.

Tirada xubnaha Alshabaabka ah ee isi soo dhiibaya ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, sidoo kalena waxaa aad u kordhay howl-gallada ay sameynayaan ciidanka dowladdu.