U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Ka Qeybgalay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta

Wefdi ka sare oo ka socda dowaladda Soomaaliya, uuna hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb-galay shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay shirka 10-aad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, wuxuuna kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ku jirto xaaladda Falastiin.

Sidoo kale wuxuu si adag u cambaareeyay xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ee ku aaddan hishiiskii ay horraantii sanadkan la galashay Soomaaliland.