U bood dhigaalka

Xukunka Dilka ah ee Adduunka oo Dhan oo Gaaray Tiradii Ugu Badnayd Tan iyo 2015 kii iyo Soomaaliya oo Kasoo Dhex Muuqatay Liiska.

Tirada toogashada ee la diiwaan galiyay caalamka oo dhan sanadkii hore ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay tan iyo sanadkii 2015-kii, iyadoo Iran iyo guud ahaan bariga dhexe ay aad sare ugu kacday, Sida ay Amnesty ku sheegtay warbixin ay soo saartay Arbacadii.

Kooxda ayaa sheegtay in sare u kaca dilalka la diiwaan galiyay ay ugu horeyso Iran, halkaasoo mas’uuliyiintu ay dileen ugu yaraan 853 qof sanadkii hore, marka la barbar dhigo 576 sanadkii 2022.

Dadka la toogtay ayaa waxaa ku jiray 24 haween ah iyo shan qof oo carruur ahaa markii dambiyada la galayay, ayay tiri Amnesty, iyadoo intaas ku dartay in dhaqankan uu si adag u saameeyay dadka laga tirada badan yahay ee Baluch ee Iran.

“Masuuliyiinta Iran waxay muujiyeen ixtiraam la’aan b uuxda oo ay u hayaan nolosha bini’aadamka waxayna sare u qaadeen xukunnada dambiyada la xiriira daroogada, iyagoo sii muujinaya saameynta takoorka ah ee ciqaabta dilka ah ee bulshooyinka la takooro iyo kuwa saboolka ah ee Iran,” Agnès Callamard, xoghayaha guud ee Amnesty, ayaa ku yiri bayaan.

Waxa ay kooxdu sheegtay in China, Iran, Saudi Arabia, Somalia iyo Maraykanka ay yihiin shanta waddan ee ugu badan ee dilku ka dhacay sannadkii 2023.

Amnesty ayaa sheegtay in inkastoo dib u dhacyadaasi, haddana uu jiro horumar, sababtoo ah tirada waddamada dilalka fuliyay ayaa hoos uga dhacay 16, waana tiradii ugu hooseysay ee la diiwaan geliyo tan iyo markii ay kooxdu bilowday kormeerka.