Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa masuuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika u xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dib u habeynta dhaqaalaha.
Waxaa uu ku booriyay madaxda Bangiga in ay laba jibaaraan dadaalkooda iyo maalgashigooda, si loo gaaro horumar iyo kobac waara oo ka hana qaada gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee wax ka qabashada saamaynta taban ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka, taasi oo uu sheegay in ay u baahantahay xal wadajir ah oo heer caalami ah.




From the comments