Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay doon ku qalibantay wabi ku taal gobolka Nangarhar ee bariga Afgaanistaan, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah ee deegaanku, xilligaan ayaa ah xilli ay badda si aad ah u kacsan tahay
Quraishi Badloon, oo ah madaxa waaxda warfaafinta ee gobolka Nangarhar ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa X ku sheegay in doontu ay ku rogmatay wabi ku yaal deegaanka Basawul ee degmada Momand Dara subaxnimadii sabtida.
Waxa uu intaasi ku daray in doonida ay la socdeen 25-ruux, kuwaas oo 5 ka mid ah ay ka badbaadeen,halka 20-kii kale ay shilkaas ku naf waayeen,waxayna saraakiishu baarayaan sababta keentay dhacdadan.




From the comments