U bood dhigaalka

Israel oo Ogolaatay Iney Xabadjoojinta Rasmi ah Ka Dhaqangasho Marinka Magaalada Qaza

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil ay oggolaatay xabbad joojin waarta oo laga hirgeliyo marinka Qaza, islamarkaana lagu soo afjarayo dagaalka, tan iyo October ka socda Qaza khasaare badana sababay.

shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka cad ayuu Biden ka sheegay in Israa’iil ay soo bandhigtay soo jeedin cusub oo ku saabsan xabbad joojin dhammaystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka lagu riiqmay ee ka socda Qasa.

Biden ayaa tilmaamay hindisahan uu ku koobanyahay saddex weji oo midda koowaad ay socon doonto lix toddobaada oo xabbad joojin dhammaystiran ah, ayadoo ciidammada Israa’iil laga saaro dhammaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee qaza.

waxa kale oo lays dhaafan doonaa tiro maxaabiis ah oo israa’iiliyiin ah iyo boqollaal falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada maamulka Israa’iil, halka gargaarka bini’aadantinimona la geyn doono Qaza, sida uu sheegay Biden.

Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu carrabka ku adkeeyay inay jiraan la haystayaal Mareykan ah oo lagu sii dayn doono heerka koobaad ee xabbad joojinta, isagoo intaa ku daray inay qorshahaas la wadaageen dowladda Qatar.

Dhanka kale kooxda Xamaas ayaa hindisahan cusub soo dhowaysay, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin xabbad joojinta iyo fulinta qodobada ku jiraba.

Tillaabadan ayaa xal ku meel gaara u noqan doonta dagaalka bishii 9-aad galay ee marinka Qasa, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 40 kun oo qof, halka dhaawaca iyo burburkuna ay gaareen heer lagu tilmaamo jaxiimada adduunka.