Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka.
Mudane Xamsa, ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.
Waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda, isaga oo ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.




From the comments