Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Geneva dalk Switzerland ayaa kulan Doceed la qaatay Dr. Hanan Balkhy, agaasimaha Ururka Caafimaadka aduunka WHO ee EMRO, iyagoo ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin tallaalka, Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, cusboonaysiinta xogta, horumarinta wax soo saarka gudaha ee dawooyinka, kobcinta awoodda shaqaalaha Caafimaadka iyo guud ahaan xoojinta bixinta daryeelka caafimaadka iyo maamulka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil oo qeyb ka ahaa wafdiga Wasiirka ayaa bogaadiyey dedaalada WHO/EMRO ay ku garab taagan tahay Wasaaradda Caafimaad iyo daryeelk bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sida ay ugu go’an tahay hagaajinta nidaamka Caafimaadka, waxa uuna ku amaaney muujinta saaxiibtinimada joogtada ah.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee XFS ayaa dhankiisa Ku booriyay WHO/EMRO in ay sii laba jibaaraan howlaha ay Hay’addu ugu idmantahay in ay ka qabato dalalka gobolka gaara ahaan Soomaaliya si loo helo Caafimaad dhamaystiran oo gaara qeyb walba oo ka mid ah bulsho waynta Soomaaliyeed waxayna qeyb ka tahay arrintaas xoojinta nidaamka Caafimaadka iyo qorshaha isbadalada ee hadda socda si loo gaaro yoolka Dowladda gaar ahaan qeynta Caafimaadka Qaran.




From the comments