U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Wadda Qorshe Dib Loogu Soo Celinaayo Dhalinyarada Ku Dhibaateysan Liibiya

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda Liibiya kula kulmay koox dhallinyarada Soomaaliyeed ah oo go’aansaday inay dalkoodii hooyo ku noqdaan oo isaga laabtaan silica iyo saxariirka ka jira Liibiya iyo halista badda ee sugaysa.

Wasiirka ayaa ku wargeliyay dhallinyaradan in 15 ka mid ah ay diyaar yihiin Tickets-koodii iyo waraaqihii socdaalka ay ku noqon lahaayeen( Go-Home) oo 11-ka bishan June ay ka degi doonaan magaalada Hargeisa, halka 25 kale oo iyaguna is diiwaangeliyay inay Mogadishu ka degaan loo soo dhamaystiri doono documents-ka socdaalka inta aysan bishan June dhammaan.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku booriyay dhallinyaradan go’aanka geesinimada leh qaatay isagoo ugu baaqay dhallinyarada kale ee faraha badan ee Tripoli jooga inay sidaas oo kale sameeyaan.

Wasiirka ayaa la wadaagay dhallinyarada horumarka la tiigsanayo sanadaha soo socda iyo maalgashiga caalamiga ah oo sahlaya shaqo abuur xooggan.