Hanti-dhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha xafiisyada Hantidhowrka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Hanti-dhowraha ayaa sheegay in qabsoomidda shirka muddo laga shaqaynayay, islamarkaana ay tahay markii ugu horeysay ee oo xaafiisyada Hanti-dhowrka qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyadu ay kulan noocaan ah isugu yimaadaan.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dhinac, islamarkaana wax u wada qaban lahaayeen, isagoo xusay inuu kulankani yahay furdad ay ku kala war qaadan doonaan.




From the comments