U bood dhigaalka

Kooxda Real Madrid oo Ku Guuleystay Koobkii 15-aad ee Champions League, Kadib Kulankii Wenbalay

Real Madrid ayaa mar walba hesha dariiq ay ugu soo bixi karto Champions Leaque-ga waxayna markale soo baxday in ay Final-ka ku dhaaftay kooxda reer Jarmal ee  Borussia Dortmund laakiin wali waxay soo gaadhay rekoodhkii 15 aad. Real ayaa 10-kii sano ee ugu dambeeyay hanatay koobkaan  Yurub 6 jeer.

Madrid ayaa culeys badan wajahday qeybtii hore ee ciyaarta oo waxaa kooxda reer Jarmal ay haleelin fursado goolal loo filan karay, laakiin markii la iskusoo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta ayaa jihada ay ka luntay Borussia Dortmund oo Real ay noqotay sida Aar gurxamaya oo kale waxaa dhacday taariikhda 15.

Dani Carvajal ayaa Madrid udhaliyay gool uu madax ku dhaliyay Toni Kroos kadib markii ay Germany si quus ah ugaarsanayeen goolka barbaraha, Vinicius Junior ayaa markale shabaqa soo taabtay isaga oo dhamaystiray shaqada, taas oo Real u sahashay in koobka ay qaataan kooxda kale u diraan kaalin 2-aad.

Kooxda Real Madrid si fudud loogama badin finalka Champions League, xilli ciyaareedkan, markii ugu horeysay taariikhda, hal kulan lagama badin tartanka, Kooxda Carlo Ancelotti ayaa siisay Dortmund ee Bundesliga ka dhisan iyo  Bayern Munich iney isku dabadaraan oo ay koobkii 15-aad ee Champions-ka.

Daafaca midig ee Isbaanishka, oo ku raaxaysanaya xilli ciyaareed heersare ah, wax gool ah kama dhalin Champions League tan iyo xilli ciyaareedkii 2015- “Qeybtii hore ma aanan u qalmin xitaa inaan barbaro galno, laakiin waan naqaanay sida loo dhibco, booskalaakin tani waa kubada cagta” ayuu yiri Carvajal.

Ancelotti ayaa kor u qaaday rikoorkiisa ku guuleysiga Champions League isaga oo tababare ah 5-tii sano ee la soo dhaafay, iyadoo tababarihii ka horeeyay ee Zinedine Zidane uu qaaday koobka quruxda badan ka hor ciyaarta, waxay u noqotay xusuus kale oo Los Blancos ay ku leedahay Yurub marka lasoo joogo.