U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga oo Kulan gaar ah La Qaatay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan taageerada uu Turkigu siiyo hey’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka oo dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed la barbar taagantahay, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xariirka labada dhinac, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo xasillinta dalka.

Dhankiisa, Danjire Aktaş ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dalka.

Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dib u dhiska ciidanka, hormarinta kaabeyaasha, waxbarashada, Caafimaadka iyo arrimaha bini’aadantinimada.