U bood dhigaalka

Maxkamadda Racfaanka oo Waxkamajiraan Kasoo Qaaday Kiiska Cabdullahi Maxamed iyo Maxamed Cadde

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay dhammaan eedeymihii musuq maasuqa ee xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay.

Labadaan masuul ee dembiga lagu waayey ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana horay sidaan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhawr gal dacwadeed oo ku saabsan eedeymo musuqmaasuqa ayaa bilihii la soo dhaafay la hor geeyay madaxkamadda gobolka Banaadir, kuwaas oo ka dhan ah masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dowladda.