Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.
Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qaybgalayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka, oo uu kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya.




From the comments