Doorashada xubnaha aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ayaa lagu wadaa inay maanta ka dhacdo magaalada New York ee dalka Mareykanka, ahna xarunta Qaramada Midoobey.
Xubnahan oo mid kamida ay dowladda Soomaaliya u sharraxantahay ayaa lagu dhex dooran doonaa shirka 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo maanta furmaya, waxaana ka qeyb-galaya wefdi culus oo ka socda Soomaaliya, uuna hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Danjire Axmed Macalin Fiqi.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto inay hesho kurisigaas, iyo sida ay u dhacayso doorashadu, asagoo sheegay in Soomaaliya ay codsigeeda kursigaas ku aaddan gudbisay sanadkii 2018, balse markii xukuumadda hadda jirtaahi ay timid si xoog leh arrintaas looga shaqeeya.




From the comments