U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kulan La Yeeshay Madaxweynaha Hey’adda Marinta Koonfurta Kuuriya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta ee Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

Intii uu socday kulanka labada dhinac Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka waramay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay is beddelka dhaqan dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 40 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Dhinaciisa Madaxweynaha Hey’adda KOICA waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.