U bood dhigaalka

Ciidamada PSF oo War Kasoo Saartay Eedeyn Uga Timid Booliska Puntland

Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa war qoraal ah kasoo saaray afduub lagu sameeyey afhayeenka ciidanka PSF, Maxamuud Jamaal iyo eedaymo uu ciidankaasi u jeediyey Taliyaha Booliska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire.


Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska PSF ayaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin eedeynta uu taliyaha ciidanka booliska usoo jeediyay, islamarkaana ay qeyb yihiin dagaalka Al Shabaab iyo Daacish ee ka socda gobolka Bari iyo sugitaanka Amniga magaalada Boosaaso.

“Ciidanka Amniga Puntland ee PSF waxay u taagan yihiin sugidda amniga, la-dagaalanka kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish iyo helida xoggaha lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland.Haddaba, waxaa ayaan darro ah in Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire in uu eedeyn aan sal iyo raad lahayn u jeediyo ciidamada PSF” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.


Taliska PSF ayaa ku eedeeyay Ciidanka booliska in ay afduubteen afhayeenkii ciidanka PSF oo ku sugnaa magaalada Garowe. Waxa ay sheegeen in ay diyaar u tihiin xoojinta amniga Boosaaso.


“PSF waa laan ka mid ah laamaha amniga Puntland, ma jirto xasarad ka dhaxayn karta iyaga iyo Bool- iska Puntland, waxaana u taaganahay la dagaalanka argagsixisada iyo sugidda amniga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Mar kale.