U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Xafiiskiisa Ku Qaabilsan Wafdi Ka Socday Dalka Ciraaq

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Ciraaq, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas Sheekh Cabdul Hadi Al-Hazanawi.

Guddoomiye Sheekh Aadan madoobe iyo wafdiga ka socda Ciraaq ayaa ka wada
hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan iskaashiga baarlamaanada.

Sidoo kale waxay labada masuul kulankooda diiradda ku saareen sidii loo dardar gelin lahaa howsha guddiyada wada-shaqeynta iyo saaxiibtinimada ka dhexaysa baarlamaanada labada dal.
Wefdigan sare oo ka socda dalka Ciraaq ayaa dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay kulamo kala duwan la yeelan doonaan madaxda ugu sareysa dalka.