U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Galgaduud oo Toogasho Ku Fulineysa Rag Dilay Macalin iyo Dhaqtar Walaalo ah

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa la filayaa inay goordhow dil toogasho ah ku fuliso rag horay Macallin iyo Dhakhtar walaalo ah ugu diley deegaanka ku dhow magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Xubno ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug, guddoonka Maxkamadda gobolka galguduud, iyo dadweyne fara badan ayaa ku sii jeeda goobta ay qasaastu ka dhacayso sida ay soo warinayaan wariyaasha ku sugan Magaaladu.

Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile cabdullahi Xasan ah raggii labada ruux horay u diley ayaa lagu fulin doonaa dilka qisaasta ah, kaas oo dabayaaqadii 2023 isku meel ku dilay dhaqtar Axmed Xasan Cusmaan iyo Macallin Liibaan Xasan Cusmaan.

Raggan ayaa waxaa horey dil toogasho ah ugu xuntay Maxkamadda Gobolka Galgaduud, maanta ayaana ah dharaartii loo madlay in qasaasta laga oofiyo.