Afar qof ayaa ku dhimatay in ka badan labaatameeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen shil Tareen oo ka dhacay magaalada Pardubice ee dalka Czech, oo qiyaastii 100 KM u jirta caasimadda dalkaas ee Prague.
Shilka ayaa yimid ka dib markii Tareen rakaabka ah oo ay saarnaayeen in ka badan 300 oo qof, kuna sii jeeday bariga dalka Ukraine uu ku dhacay tareen kale oo shixnad ama xamuul siday sida ay saraakiishu sheegeen.
“Waxaan xaqiijin karaa in afar qof ay ku geeriyoodeen shilka,” ayuu yiri Alena Kisiala, oo ah afhayeenka adeegyada gurmadka maxalliga ah, oo la hadlay Warbaahinta.




From the comments