Soomaaliya ayaa xubin aan joogto aheyn ka noqotay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib codbixintii golaha guud ee Qaramada Midoobay oo goor dhow soo dhamaatay.
Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi, oo doorashada ka qeyb galay.
Soomaaliya ayaa kursigan ku fadhiisan doonta muddo labo sano ah oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025.




From the comments