Ruushka ayaa xiray nin u dhashay dalka Faransiiska oo u shaqeynayay hay’ad fadhigeedu yahay Geneva, kuwaas oo lagu ku eedeeyay inuu ururiyay macluumaadka ku saabsan militariga, iasagoo ku guuldareystay inuu isu diiwaangeliyo sidii wakiil shisheeye.
Guddiga baarista ee Ruushka ayaa sheegay in ninkan looga shakisan yahay inuu muddo dhowr sano ah si ula kac ah u ururiyay macluumaadka dhinaca farsamada iyo militariga ee Ruushka, kaas oo loo adeegsan karo amniga gobolka.
Guddigan oo baaraya dambiyada waaweyn ee ninkan loo haysto ayaa soo bandhigay muuqaal kooban oo muujinaya nin ku labisan Jiinis iyo funaanad madow oo ay askar wejiyada soo duubtay ugu tageen barxadda maqaayad ku taal bartamaha Moscow ka hor inta aan la gelin gaari booliis ah.




From the comments