U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Xoogga Dalka Qeybihiisa Kale Gadisan oo Tababar Loogu Soo Xiray Turkiga

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jiro ciidanka Badda, dhulka ,iyo Cirka ayaa tababar loogu soo xiray dal Turkiga, halkaas oo muddo lagu carbinayay.

Saraakiishan ayaa bartay xirfada kala duwan oo ay ugu muhiimsantahay hoggaaminta ciidanka waqtiyada ay jiraan howl-gallada iyo Waajibkaadka maalin lahaaba.

Saraakiishan laga soo kala xulay qaybhaa kala duwan ee ciidanka xoogga dalka ayaa qalin jibintooda waxay ku soo aadaysaa xili geesiyaasha xoogga dalka soomaliyeed ay isku diyaarinayaan la wareegidda amaanka guud ee dalka.

Munaasibada xeritaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin katirsan doowladda soomaliya iyo turkiga.