U bood dhigaalka

Khasaare Ka dhashay Dagaal Beeleed Ka Socda Gobolka Galgaduud

Dagaal oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kala dega Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa saaka ka bilowday inta u dhaxaysa deegaanada Laandheer iyo Qalaanqalle oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyay in dagaalka uu yahay mid culus, islamarkaana dhaawacyo la kala geeyay magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq.

Maleeshiyaadkaan ayaa horay ugu dagaallamay deegaanadaan iyadoo ay xusid mudan in aan lagu guuleysan in laga dhex galo.

Odayaasha dhaqanka ayaa wadda dadaallo ay ku joojinayaan dagaalka xilli maamulka Galmudug uusan awoodin in uu kala dhex galo Maleeshiyaadka sababo la xariira in uusan heysan ciidan awood leh oo kala dhex gali kara.

Maalmihii u danbeeyey waxaa jiray xiisad colaadeed oo ka soo cusboonaatay aagga dagaalku saaka ka socdo.

Dagaal beeleedyada ka socda deegaanada Galmudug ayaa kordhay sanadyadii lasoo dhaafay iyadoo Galmudug lagu eedeeyay in aysan waxba qaban.