iyadoo ay ugu yaraan 10 qof ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka xooggan oo ka socda deegaanno hoos taga magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ayay wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya arrintaa war ka soo saartay.
Warka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri” Wasaaradda waxay si dhow ula socataa dagaalka khasaaraha geystay ee beelaha walaala ah ku dhex maraya deegaanka laandheer ee u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo xeraale, waxaana ugu baaqaynaa inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, islamarkaana ay fursad siiyaan nabad iyo wada-hadalka”.
Sidoo kale Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa culumada iyo waxgaradka deegaanadaas ka codsatay inay u istaagaan joojinta dagaalka khasaaraha badan dhaliyay ee ka socda gobolka Galguduud.





From the comments